HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Thursday, December 13, 2012 - 11:39:42
Waxaa la aqristay: 40 Jeer.

Afayeenka Baarlamaanka Jabuuti oo sheegay in Shabab ay wax lala yaabo ka sameeyeen Somalia

Waxaa Qoray:


Guddoomiyaha Baarlmaanka dalka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali ayaa wuxuu Al-Shabaabka ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeeyeen amni darada ka jirta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa wuxuu sheegay in Shabaabka Soomaaliya ay sameeyaan waxyaabo qaarkood lala yaabo islamarkaana ay yihiin dhibaatooyin aan Soomaalinimo ahaan loo sameyn karin.

Idiris Arnaa’ud Cali Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay in Shabaab ay dadka laayaan islamarkaana dhacdooyinka la yaabka leh ay sameeyaan ay kamid tahay qof masaajid kasoo baxay inay dilaan.

Si taasi loga gubdo ayuu sheegay inay lama huraan tahay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay wacyigelin usameyaan dhalinyarada kujira Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka kala soo horjeeda.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku sugan ay tahay ujeedka ay ujogaan inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ayna ka damqadeen dhibka Soomaali haysata sidaasna ay ugu soo gurmadeen.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah Dowladdaha sida aadka ah u taageera Dowladda Soomaaliya ciidamana ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale