Waxaa la aqristay: 1,161 Jeer.
Afartameeyo Haween oo adeegtooyin ka ahaa dalka Sacuudiga oo lagu wado in qoorta laga wada jaro.
Waxaa Qoray: Naciimo M. Abdi
Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ee dalka UK, ayaa qoray inay heleen xog hoose oo muujinaysa inay Mxkamadaha dlka Sacuudiga ku rideen xukun qoor-goyn ah in ka badan 45-haween shisheeye ah oo Adeegto ama Jaariyaddo ka ahaa dalkaasi.
Hadalkaasi ayaa soo baxay iyadoo ay Hay’adaha Caalamiga qeylo-dhaan iyo cambaarayn u jeedinayaan Nidaamka Garsoorka ee Sacuudiga, iyadoo arrintan timid, kadib, markii dhawaan Xukun Qoor-goyn ah lagu fuliyey Adeegto u dhalatay dalka Sri Lanka oo la oran jirey Rizana Nafeeq, oo 24-jir ah, taasi oo ku eedeysnaa inay dishay cunug yar oo Sacuudiyaan ah.
Wargeysku, waxa uu tilmamay inay Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha rumeysan yihiin in Haweenka ku xukuman qoor-goynta yihiin kuwo badankooda u kala dhashay dalalka Sri Lanka,Philipines, India iyo Ethiopia
Hay’adda Human Rights Watch ayaa horey u sheegtay inay 45-haween u dhashay dalka Indonesia in lagu xukumay xukun qoor-goys ah, inkastoo aysan Dowladda Sacuuga si rasmi ahaan u shaacinin tiradda rasmiga ee Haweenka Jaariyadda ee xukunka qoor-goynta sugayo.
Ku-dhawaad 1.5 million oo Adeegto Shisheeye ah ayaa ka xoogsada dalka Sacuudiga, oo ay ku jiraan ku-dhawaad 375,000 oo u dhalatay dalka Sri Lanka.
Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay inay sii kordhayaan xukunadda lagu fulinayo Haweenka Shisheeyaha eek a xoogsada dalka Sacuudiga, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda Dalal ku yaalla Qaaradda Asia.
FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
