HALKAN KA RAADSO YOUTUBE AMA HEESO

Waxaa la daabacay: Friday, December 7, 2012 - 11:11:51
Waxaa la aqristay: 361 Jeer.

Afar qof oo ku dhimatay rabshado ka dhashay natiijadii doorashooyinka Somaliand

Waxaa Qoray:


Rabshado Qasaaro badan geystay ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen Magaalada Hargeysa iyadoona Rabshadahaan ay ka dambeeyay Kadib Markii Lagu Dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday Somaaliland.

Ilaa inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhintay rabshadahaan halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas kabadan, Waxaana Warbaahinta la xaqiijiayay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba lagu riday rasaas nool nool.

Sidoo kale Rabshadahaan ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafadaha kala ah Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa Iyo Iftin , New Hargeysa iyadoona dadki ku dhaawacmay rabshadahaan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa haatan ah mi degan kadib markii ay Ciidamadda Booliiska ay rasaas ku kala ceyriyeen dadkii Rabshadaha waday iyadoona Rabshadahan ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN

SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
















Log in | Designed by Jimcale