1: Tuesday, December 4, 2012 - 20:34:30
2: 290 Jeer.

17 ciyaariyahan oo ka mid ahaa Xulka Eritrea oo ku goostay Uganda kadib markii …

Waxaa Qoray:


Xiriirka kuabada cagta ee dalka Uganda oo kaashanaya sarkiisha amaanka ee dalkaasi ayaa ku raad joogo 17 ka tirsan ciyaaryahanadii Eritrea u matashay taratanka bariga iyo bartamaha Africa oo waliba uu wehliyo dhaqtarkii xulka oo ku goostay Uganda.

Kaliya shan ciyaaryahano iyo laba sargaal ayaa saakay uu ka soo qaaday bas hotelkii ay ka dagnayeen magalada Kampala si ay dib ugu labtaan magalada Asmara ee casimada Eritrea.

“magaraneyno halka ay aadeen walalaheen sidaa waxa yari macalinka xulka Teklit Negash.

Wabsite-ka mucaaradka dalka Eritrea ayaa qoray in ciyaaryahanada dhuuntay ay radinayaan magan galyo siyaasadeed inkastoo warkaas an la xaqiijinin .

Madaxwayne ku xigeenka xiriirka kubada cagata dalka Uganda ayaa yiri “waan soo saari doono meel kasto oo ay isku qariyaaan “

Gudoomiyaha fulinta ee xiriirka kubada cagata dalka Uganda Edgar Watson ayaa isna sheegay in ay u qeybin doonan sawirada ciyaarayahanada goostay jaraa’idada si loo soo qabto marka la arko ciyaryahanadasi.

“waan heli doono maxa yeelay hada ma foga ayuu yri Watson.

Xulka Eritrea ayaa ku haray taranka heerkiisa Group-yada markii ay bar bar dhac ku bilabeen kulnkoodii ugu horeeyay waxaana ay la yeeshan Zanzibar 0-0, halka guul daro ay kala kulmeen Malawi 3-2 , iyadoona kulnkoodii ugu dambeeyay 2-0 guul daro ah kala kulmay xulka Rwanda.

Sylvia Nakamya oo ah maamulaha Sky Hotel – oo ciyaaryahanadu eey dagnayeen ayaa sheegay in ciyaarayanada Eritrea ay ugu war dambeysay iyagoo doontay shoping lakin 12 kaliya ay soo labteen .

Waxay aheyd sanadkii 2010 markii ciyaarihii ka dhacay Tanzania,eey ku goosteen 13 ciyaaryahan oo iyagoo qaar ka mid ah ciyaarayahandas ay tahriib ku tageen gobalka Houston ee United States.

Waa kuwaan liika ciyaaryahanadii Eritrea ee loo soo magacaabay taranka ka socdo Uganda

Samuel Alazar, Yohannes Nega, Essy Kiflom, Yuhannes Tilahun, Merhawi Kesete, Hermon Tecleab, Medhanie Redie, Yosief Ghide, Ahmed Abdurahman, Tesfalem Tekle, Yonatan Solomon, Fitsum Kelati, Mekonen Kibrom, Daniel Alexander, Kuluberhan Gltensae, Merhawi haile, Aman Habteslus, Amir Osman.

FAKARKAAGA DHIIBO ADIGOO ISTICMAALAYA FACEBOOK, YAHOO, HOTMAIL AMA AOL

KU LAABO BOGGA HORE OO RIIX HALKAN

BOGGA CIYAARAHA KALIYA RIIX HALKAN

LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨

Comments are closed

¨
















Log in | Designed by Jimcale