Waxaa la aqristay: 700 Jeer.
106-qof oo ka mid ahaa dadkii loo xiray qaraxii ka dhacay xaafadda islii oo saakay xabsiga laga waayey
Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farax "Raafac"

Shoromonyo police station oo ah halka ay ku jireen maxaabiis gaareysa ilaa iyo 300 oo qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo looga shakisanaa qaraxii dhawaan ka dhacay xaafadda islii gaar ahaan masaajidka Al-hidaaya ayaa saaka lag waayey dad gaaraya dad gaaraya ilaa iyo 106-qofood, 21-kamid ahna ay ahaayeen soomaali.
Madaxa police-ka magaalada Nairobi Moses Ombaty oo la hadlayey saxaafadda ayaa shegay in liiska magacyada dadkaan laga waayey xabsiga shoromonyo
” waxaa jira baaritaano ay wadaan police-ka waxaa jira illaa iyo labo askari oo looga shakiyey arrintaan in ay ku lug leeyihiin ay hayaan ciidamada nabad sugidda waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda dambiyada sare” Ayuu yiri Mr Ombaty.
Sidoo kale dadka laga waayey xabsiga ayaa waxaa ku jiray dad soomaali ah oo iyaguna la sheegay inay ahaayeen ilaa iyo 21-qofood kuwaas oo kamid ahaa dadkii loo soo qab qabtay qaraxii ka dhacay masaajidka Alhidaaya ee xaafadda islii sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa waddanka Kenya.
Arrintaan ayaa imaaneysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ciidamada police-ka ay soo qabteen dad gaaraya illaa iyi 300 oo qof kuwaas oo ku lug lahaa qaraxii ka dhacay masaajidka Al-hidaaya eek u yaala xaafadda islii kaas oo lagu qaarijin rabay xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Dafgmada kamakunji ay ka tirsan tahay xaafadda islii, kaas ay ku geeriyoodeen ilaa iyi 5-qofood in kabadan 30-kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxaa Qoray
Sakariye C/raxmaan Daahir
Soomaalidamaanta.com
Nairobi – Kenya
Fakarkaaga ka dhiibo
SI AAD UGU LAABATO BOGGA HORE RIIX HALKAN
SI AAD U AQRISATO CIYAARO OO KALIYA RIIX HALKAN
LIKE DHEH SI AAD U HESHO AQBAARO DHEERI AH¨
Many thanks for a very informative website. Where else can I get that kind of advice written in such a perfect means? I have a mission that I am just now operating on, and I have been looking for such info.
war dadkaan maxay ahayeen walahi waa dad aad u danmbeeya waamaxay 300 oo qof mac quul ma,ahane dadkaan masaakiinta yaa ka celiya ugaartaan aan waxba kala garaneynin war macquul manoqon karto halqof waxa uu geystay in dusha laga saaro 300 oo qof inaalilaah meesha waa lagu baa bay yaa ka qabta dadkaan aanan aqoon sida wax loo baaro soo maaliyeey u laabta wadankiina dhib maa dhib idiinma dhaama